Abiy Axmed oo xabsiga ka sii daayey madaxweynihii degaanka Soomaalida Cabdi Iley

14-March-2024

Madaxweynahii hore ee deegaanka Soomaali Galbeed Cabdi Maxamuud Cumar (Candi Iley) ayaa maanta laga sii daayay xabsi ku yaalla magalaada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib muddo lix sano ku dhow oo halkaas uu ku xiraa.

Bishii Ogoosto ee sanadkii 2018-kii ayaa xabsiga loo taxaabay Cabdi Iley, Iskendir Gezhne oo ah qareenka Cabdi Iley ayaa ayaa sheegay dacwad oogaha guud ee kiiska Cabdi Iley uu ka noqoday dhammaan waxyaabahii uu ku eedaysnaa.

Cabdi Iley ayaa xabsiga loo taxaabay shan sano iyo shan bilood ka hor, kadib markii xukunka dalkaas uu la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo hadda la daalaa dhacaya fashil ka heysta gudaha dalka iyo siyaasadda caalamka, waxaana xaalka Abiy uga sii daray damacii uu qarsa waayey ee ka soo galay badda Soomaaliya.

“Waxa aan xaqiijin karo ayaa ah in Cabdi lagasii daayay xabsiga galabta oo khamiis ah ayaa laga sii daayey, balse ma aana maqal wax codsi ah oo xeer ilaalinta uu u jeediyay,” ayuu qareenkii Cabdi Iley oo warbaahinta xogtaan siiyey.

Dad kale oo la xiraa Cabdi Iley, markii horana ka tirsanaa xukuumadiisa ayaa sidoo kale xabsiga Addis Ababa laga sii daayey maanta, dadkaas waxaa ka mid ah Raxma Haybe oo xubin sare ka ahayd maamulkii tacadiyada badan geystay eeCabdi Iley.

Dadka maanta lala sii daayey Cabdi Iley waxaa ku jiray wiil loo heystay kufsi gabar Itoobiyaan ah loo geystay sanadkii 2018-kii, wiilkaas waxaa la sheegay in markii la xiray uusan qaangaar aheyn.

Warqad ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa maanta lagu sii daayey Cabdi Iley iyo dhowr qof oo markii hore lala xiray, go’aanka sii deynta maxaabiistaas waxaa toos u fulisay xeer ilaalinta Itoobiya.