Madaxa Pan-African human right defenders Dr Hassan Shire shieq Waxa uu ugu baaqay dawladaha Geeska Afrika inay ku dadaalaan

14-March-2024

Madaxa Pan-African human right defenders Dr Hassan Shire shieq Waxa uu ugu baaqay dawladaha Geeska Afrika inay ku dadaalaan ilaalinta mabaadi’da xorriyatul-qawlka sida ku cad qodobka 19-aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka iyo Axdiga Afrika ee Dimuqraadiyadda, Doorashooyinka iyo Maamul Wanaagga oo inta badan dalalka Hornafrik ay ansixiyeen.

Agaasimaha Fulinta Pan-African human right defenders Dr Hassan_shire ayaa hadal muhiim ah ka jeediyay Addis Ababa isaga oo diiradda saaraya Regional Democracy Conference on the Horn of Africa

Mudane Dr  Hassan Shire  ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in goobaha madaniga ah ee firfircooni ay u saamaxdo in muwaadiniintu si xor ah oo jamac ah in ay uga qaybqaataan arrimaha bulshada, isaga oo xusay in ay yihiin awood-bixiyeyaal muhiim u ah dhismaha dimoqraadiyad furfuran, oo loo dhan yahay oo leh Isla xisaabtan dhab ah