Madaxa WHO ayaa sheegay in adeerkii ay dileen’ ciidamada Eritrea ee ku sugan gobolka Tigray !!

15″ December “2022”Reuters

犀利士 age aligncenter size-full is-resized”>

Madaxa WHO ayaa kala gooyay murugo darteed shir,jaraa,I’d oo uu kaga hadlayay arimaha Covid -19 markii lagu wargaliyay dhimashada adeerkiis ooy ciidamada Eritrea ku dileen gobolka Tigray Dheeho.com

Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa la dareemay isaga oo ay dabooshay murugo dhamaadka shir jaraa’id oo ku saabsan COVID-19 oo ka dhacay Geneva-Waxa uu daaha ka qaaday in uu qarka u fuulay in uu baajiyo xafladaas sababta oo ah isaga oo aan xaalad fiican ku jirin waxa ay u ahayd wakhti adag

Agaasimaha guud ee WHO waa wasiir hore oo Ethiopian ka soo jeeda ah gobolka Tigray–Waxa uu hore u ahaa nin si weyn u dhaleeceeya doorka Itoobiya ee colaadda ay ku dhinteen tobanaan kun iyo barakicisay malaayiin.

“Waxaa la ii sheegay in adeerkay ay dileen ciidamada Eritrea,” 57-jirkan ayaa u sheegay suxufiyiinta–Hooyaday ayaan la hadlay, runtii aad bay u murugaysan tahay, sababtoo ah wuxuu ahaa kii ugu yaraa qoyskooda, wuxuuna ahaa ku dhawaad ​​da’da aniga, adeer yar.”

Dowladda Itoobiya iyo ciidamada gobolka Tigray ayaa ku heshiiyay bishii Nofembar inay joojiyaan colaadda, arrintaas oo horumar laga gaaray laba sano oo dagaal ah.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ka socda Eritrea, dhanka waqooyi, iyo ciidamada gobolka ay dariska yihiin ee Axmaarada, dhanka koonfureed, ee ka barbar dagaalamay ciidamada Ethiopia ee Tigray ayaan qayb ka ahayn xabad joojinta lagu saxiixay Koonfur Afrika.

Dowladda Itoobiya, oo ka soo horjeesatay Tedros markii labaad ee uu ahaa madaxa hay’adda caafimaadka adduunka, ayaa ku eedeysay inuu isku dayayay inuu hub iyo taageero diblomaasiyadeed u soo iibiyo xoogagga fallaagada – eedeymaha uu diiday.

Masuuliyiinta Itoobiya iyo Ereteriya si degdeg ah ugamay jawaabin codsigii wakaaladda wararka ee Reuters oo ahaa inay faallo ka bixiyaan eedaymaha agaasimaha WHO

Leave a Reply