Madaxa Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Maraykanka Senator Bob Menendez ayaa ku tilmaamay mid ka hor imanayso dimuqraadiyada in muddo kororsiga uu sameeystay farmaajo

13″ April” 2021

Senator Menendez;”In la naqshadeysto muddo kordhin waxay ka hor imaanaysaa Dimuqraadiyada”

Qoraal uu barta Twitterka soo dhigay Senator Bob Menendez ayaa ku sheegay in doorasho waqtigeeda la qabto ay muhiim u tahay dimuqraadiyada.

“Doorashada waqtigeeda lagu qabto waxey muhiim u tahay demoquraadiyad caafimaad leh. In la naqshadeesto mudo kordhin waxey ka hor imaaneysaa dimquraadiyadda, waxeyna Soomaalia u horseedi kartaa xasilooni darro.”ayuu ku yiri qoraalkiisa Senatorkan ka tirsan Aqalka Sare ee dowlada Maraykanka.

Qoraalkiisa ayuu ugu baaqay qeybaha kala duwan ee siyaasada dalka inay gaaraan heshiis dhinaca doorashada ah.

“Saamileydda waa in ay gaaraan heshiis is oggol ah. Iskudayadda lagu baalmarayo wadda hadalada waa in si degdeg ah loo joojiyaa.”

Madaxa Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Maraykanka Senator Bob Menendez ayaa warka uu ka soo saaray muddo kororsiga ay ku dhaqaaqeen golaha shacabka waxa ay muujineysaa in dowlada Maraykanku aysan raali ka ahayn tallaabada uu qaaday golaha shacabka.

Leave a Reply