Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
8″ November “2022
Nolosha cunto-joojiye Alaa Abd el-Fattah oo xiran ayaa khatar weyn ku jirta, Iyadoo madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Turk, uu dib u cusboonaysiiyay baaq uu kaga dalbanayo Masar in ay si degdeg ah u soo deeyso. Dheeho.com
“Waxaan ku boorrinayaa dowladda Masar inay si degdeg ah xabsiga uga sii deyso Abd el-Fattah oo ay siiso daawaynta lagama maarmaanka ah,” Turk ayaa ku yiri hadal uu soo saaray Talaadadii, isagoo ka digay in u dhaqdhaqaaqa” uu ku jiro khatar caafimaad oo weyn.
Gaajada qallalan ee uu ku dhuftey ayaa naftiisa halis weyn gelisa.”Abd el-Fattah, oo ah dhaqdhaqaaqe caan ah iyo blogger oo haysta laba dhalasho British iyo Masar, kaas oo la xiray 2014 shan sano kadib markii lagu eedeeyay inuu ka qaybqaatay kulan aan la fasixin iyo inuu faafiyay warar been abuur ah.
40-jirkan ayaa cunnada ka soomay muddo 220 maalmood ah, isagoo ka soo horjeeda xariggiisa iyo xaaladda xabsiga.
“Waxaan ka cabsi qabnaa inuu dhinto, iyadoo dunidu ay daawaneeyso waxa kaliya ee aan dooneyno waa in aysan taas dhicin ayay tiri Walaashiis Sanaa Seif oo iyada hooyadeed ay 10 saacadood hortaagan yihiin halka uu ka socdo shirka Cimilada adduunka
Raiisel wasaaraha UK Rishi Sunak ayaa carabka ku adkeeyay inuu “walaac weyn ka qabo” Xaalada dhaqdhaqaaqaha British Egyptian-ka ah,intii lagu jiray kulan uu madaxweyne Sisi kula yeeshay Sharm el-Sheikh Isniintii wuxuuna sheegay “in uu rajaynayo in sida ugu dhaqsaha badan loo xaliyo arrintan”, afhayeen u hadlay Downing Street ayaa yiri.
Maxaabiista damiirka
Xariga Abd el-Fattah waxa uu noqday arrin si weyn looga hadal hayo shir madaxeedka COP27 ee Sharm el-Sheikh, kaas oo walaashii Sanaa Seif – lafteedu ay hore u ahayd maxbuus siyaasadeed – ay ka qayb galayso olole lagu sii deynayo.
Dhaqdhaqaaqayaasha COP27 ayaa sidoo kale si weyn ugu soo daabacay Twitter-ka hashtag #FreeAlaa, dhowr qof oo hadlay ayaa khudbadahooda ku soo gaba gabeeyay ereyada “wali lagaama guuleysan” – ciwaanka buugiisa.
Sida laga soo xigtay kooxaha xuquuqda, Abd el-Fattah wuxuu ka mid yahay in ka badan 60,000 oo maxbuus damiir ah oo ku xiran Masar tan iyo markii madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi uu xukunka qabtay, isagoo xilka ka qaaday madaxweynihii hore ee Masar Mohamed Morsi 2013.
Mar wax laga weydiiyay kiiska, wasiirka arrimaha dibadda Masar iyo madaxweynaha COP27 Sameh Shoukry ayaa u sheegay CNBC in maamulka xabsigu uu siin doono Abd el-Fattah daryeel caafimaad. Saraakiisha Masar ayaa horay u sheegay in uu cunto qaadanayo.
Raiisel wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron labaduba waxay si toos ah ula kulmeen madaxweynaha Masar el-Sisi isniintii waxayna kordhiyeen cadaadiska sii dayntiisa, saacado ka dib markii seddex wariye oo Masar ah ay sheegeen inay bilaabeen cunaqabatayn iyaga u gaar ah oo la xidhiidha masiirkiisa.