18″ February “2023
Madaxweynaha Xasan Sheekh oo khudbad dhinacyo badan taabaneeysa ka jeediyay shirmadaxeedka ururka midowga africa ee AU ayaa ku dheeraaday rajad #Somalia & Mustaqbalka qaaradda Afrika sidii loo horumarin lahaa👉Dheeho.com
Ka qaybgalkiisa shirmadaxeedka Africa ee AU oo ah markii ugu horeeysay tan iyo markii dib loo soo doortay bishii May ee sanadkii hore ayuu xusay Madaxweyne Xasan Shiikh oo sharaf Inay u tahay sheegay dalkiisa inuu u adeego laba mar Isaga oo Madaxweyne la soo doortay ah
Madaxweynaha 🇸🇴 Somalia Xasan sheekh maxamuud ayaa ka hadlay hiigsiga Soomaaliya ee mustaqbalka qaaradda Afrika, gaaritaanka yoolalka 2063-da iyo la tacaalidda caqabadaha ka jira qaaradda oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada iyo argagixisada.
Madaxweyne Xasan shiikh waxa uu madaxda Africa u sheegtay in dadka soomaaliyeed ay yihiin kuwo adkeysi badan,halabuur iyo deeqsinimo leh dhib badana soomaray
Madaxweynaha ayaa is-dultaagay rajada iftiinka leh ee hada #Somalia u muuqda inay ugu horeeyso iyada oo laga adkaado argagixisada lagana ciribtiro Somalia🇸🇴, Africa iyo Caalamka
Khudbada Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ee Shir-madaxeedka 36-aad magaalada Adisababa ayaa ugu yeeray Madaxda khaarada iskaashi iyo midnimo in looga gudbi karo caqabadaha taagan, taas oo Madaxweynaha #Somalia uu Tailmaamay inay u gogol xaareeysa helitaanka siyaasad loo dhan yahay oo abuurta fursado dhaqaale iyo ka犀利士 lsooni bulsho
Hindisha dib u dhacyada la kulmay ee ganacsiga suuqa xorta ah ayaa ajanade weeyn ka ah shirka khaarada xuduudaha kala xiran leh ee Africa
Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) ayaa lagu soo dalacayaa inuu yahay kan ugu weyn adduunka marka loo eego tirada dadka, isagoo ururiyay 54 ka mid ah 55 waddan oo Afrikaan ah, iyadoo Eritrea ay tahay kooxda kaliya ee haysata.
Wadamada Afrika waxay hadda ka ganacsadaan kaliya 15 boqolkiiba badeecadahooda iyo adeegyadooda, AfCFTA inkastoo ay higsanayaan inay sare u qaaddaan 60 boqolkiiba marka la gaaro 2034 iyadoo meesha laga saarayo ku dhawaad ​​dhammaan canshuuraha, laakiin caqabado ay ka midka yihiin khilaafyada dhimista tacriifadaha iyo xiritaanka xuduudaha oo inta badan sababay cabsida masiibadii COVID-19 ayaa wali taagan