Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
11- Nov-2023-Reuters/ Aljazeera
Shir madaxeedkan wadajirka ah ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay socdaan dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo ka socda gobolka iyo meelo kale.
Sacuudi Carabiya ayaa Jimcihii marti galisay shir madaxeedka Afrika iyo Sacuudiga oo ka dhacay Riyadh, halkaas oo MBS uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka.
War murtiyeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in la soo afjaro go’doominta lagu hayo Gaza, in loo ogolaado gargaarka bini’aadantinimo ee gayigaas, lana joojiyo hubka loo dhoofiyo Israa’iil.
Sacuudi Carabiya ayaa martigelineysay shir aan caadi ahayn oo ay wadajir u leeyihiin Islaamka iyo Carabta oo ka dhacay Riyadh, kaasoo looga hadlayay dagaalka socday muddo bil ka badan.
Markii hore, 22-ka xubnood ee Jaamacadda Carabta oo kaliya ayaa la filayey inay ka qaybgalaan, balse shirka ayaa markii dambe la ballaariyay oo lagu daray Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo ah urur ballaaran oo ay ku mideysan yihiin 57 dowladood oo u badan Muslimiin, kuwaasoo dalalka Jaamacadda Carabta ay ka tirsan yihiin.
Wararkii u dambeeyay iyo hadallada hogaamiyeyaasha Islaamka iyo Carabta ee Sucuudiga ku kulansan
Dhowr hogaamiye ayaa hadda ka hadlay shirka wadajirka ah ee Jaamacadda Carabta iyo Ururka OIC ee ka dhacaya caasimadda Sacuudiga.
➡Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa sheegay in “siyaasadaha ciqaabta wadajirka ah” ee Qaza ay yihiin wax aan la aqbali karin oo “aan lagu qeexi karin is-difaac ama sheegashooyinka kale”
➡Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ay tahay in la qabto shir caalami ah oo nabadeed si xal waara loo gaaro oo u dhexeeya Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta.
➡Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa ugu baaqay Mareykanka inuu ku cadaadiyo Israa’iil inay joojiso weerarrada ay ku hayso Qaza. Wuxuu sheegay in Falastiiniyiinta ay wajahayaan “dagaal xasuuq ah oo aan la qiyaasi karin”.
➡Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo howlgallada militari, lana sii daayo maxaabiista.

Hadalka adag ee Amiirka Qatar uu ka yiri shirka madaxda Islaamka ee Riyaad
Waxaan idinla wadaagi doonnaa hadllada mafdaxda Islaaka ee ku shirsan Qaza kuwooda ugu muhiimsan.
Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa beesha caalamka ku canaantay inay ka aamusan yihiin dhibaatada lagu hayo dadka rayidka ah ee reer Falastiin halka ay Israel u ogolaatay inay ku xad gudubto sharciga caalamiga ah.
“Waxa ka dhacaya Qaza waa khatar dhab ah oo heer kasta ah. Kuwani waa dhacdooyin aan horay loo arag. Sidee bay ku dhacday in duqaynta isbitaallada ay u noqdaan weerar caadi ah iyadoo lagu eedaynayo beenta ah in ay jiraan godad iyo qalab ciidan oo hoosta isbitaalada?” ayuu yiri Amiirka oo ka hadlayay shirka Riyaad.
“Indhaha ayaa in barafoobay, qalbiguna wuu I jabay inay arkaan dhammaan xadgudubyadan. Waxaasoo dhan waa wax aan horay loo arag,” ayuu sii raaciyay.
“Dad badan iyo dawlado badan oo adduunka ah oo horay casharro uga jeediyay baahida loo qabo in loo hoggaansamo shuruucda caalamiga ah iyo qiyamka bini’aadamka ayaa ka aamusan dhammaan xad-gudubyadaas.
“Beesha caalamka ayaa ka damqan la’ waxa hortooda ka dhacaya. Yaa malaysan karay in isbitaallada si cad loo duqeeyo qarniga 20-aad? ayuu yiri.

Lubnaan oo sheegatay in badhtamaha dalkeeda laga geystay duqeyn
Wakaaladda wararka ee Lubnaan ayaa sheegtay in diyaarad aan duuliye lahayn oo Israa’iil leedahay ay duqeysay baabuur marayay meel 50km (30 mayl) u jirta xadka Lubnaan iyo Israa’iil – waa weerarkii ugu tiirada dheeraa ee ay Israa’iil ka geysato gudaha Lubnaan isku dhacyadii xudduudaha ee ka dhashay dagaalka Israa’iil iyo Xamaas kadib.
Warbixintu waxa ay sheegtay in “Gaadhi Xamuul ah oo Moos siday” lagu duqeeyay deegaanka Zahrani ee xeebta Lubnaan, iyadoo aan wax khasaare la sheegin.
Saacado ka dib, milatariga Israel ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalku ay duqeeyeen “tiro ka mid ah goobaha kaabayaasha argagixisada” oo ay isticmaalaan kooxda Xisbullah ee Lubnaan, “oo barbar socda weerarro madaafiic ah”. Ilaa hadda ma cadda in weerarradan ay xiriir la leeyihiin mid ay sheegtay wakaaladda wararka ee Lubnaan
Hogaamiyayaasha Russia, Iran, Turkey iyo Pakistan ayaa khamiistii shir ku yeeshay caasimada Kazakhstan ee Astana si ay uga wada hadlaan xaalada Gaza.