Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo IOM oo ka wada hadlay yareeynta khasaaraha Musiibooyinka dabiiciga ah

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo IOM oo ka wada hadlay yareeynta khasaaraha Musiibooyinka dabiiciga ah

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan looga hadlayay u diyaar-garowga ka hortagga iyo yareynta khasaaraha musiibooyinka dabiiciga la yeeshay madax ka socotay hay’aada Socdaalka Adduunka ee IOM.

Kulanka, waxaa sidoo kale lagu lafo-guray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga labada hay’adood, xilli labada dhinac soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay la tacaalidda musiibooyinka, iyadoo gabagabadii kulanka la isku af-gartay sameynta guddi farsamo oo dhaqan galiya qodobbada laga hadlay.