Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxmed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Saraakiisha iyo Howlwadeenada Shirkadda Dhiseysa Wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho ee ENEZ shirkani oo ah shirkad Turki ah waxaana sidoo kale mashaariic kale duwan ay ka fulineysaa Hirshabelle

Madaxa Shirkadda ENEZ ayaa madaxweynaha Sharaxaad ka siiyay fulinta mashruuca Wadada oo hadaba bilowday, sidoo kale waxa uu soo bandhigay qorshaha, ka hortaga fatahaada wabiga Shabelle oo dhowaan Turkiga Uu fulinayo mashaariic la xiriira Fatahaada.