Madaxda iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa ku heshiiyay in la aqbalo muddada halka sano ah ee lagu kordhiyey muddo xileedka Lafta-gareen

5″ February “2023” Baydhabo

Madaxda iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa ku heshiiyay in la aqbalo muddada halka sano ah ee lagu kordhiyey muddo xileedka Mdaxweynaha Maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen. Dheeho.com

Xalay saqdii dhexe waxaa magaalada Baydhabo lagu soo geba gebeeyey shirkii dib u heshiisiinta ee maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah, waxayna dhinacyadii shirkaas ka qayb galay ay isku raaceen in soo xulista xildhibaannada ay sameeyaan odayaasha dhaqanku dhammaadka sanadkan, iyo in doorashada guddoonka iyo tan madaxweynahana la qabto bisha Januaary ee sanadka soo socda ee 2024.

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay Shirkii dib u heshiisiinta deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed oo laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Doorashada Guddoonka golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo doorashada Madaxweynaha Maamulka ayaa la go’aamiyey in la qabto inta lagu guda jiro bisha Janaayo 2024. Hoos ka aqriso heshiiska oo dhameystiran.

Sidoo kale War-murtiyeedka laga soo saaray Shirka ayaa waxaa lagu sheegay in Odayaasha dhaqanka beelaha deegaanada Maamulka xubnaha Golaha Wakiilada cusub soo xulaan inta u dhexeeysa bisha November 2023 ilaa 犀利士 bisha December 2023 sida ay warisay Iddacada Dalsan ee magaalada Muqdisho

Leave a Reply