Madaxda maamulgoboleeyada Somalia ayaa ku sii qulqulaya magaalada muqdisho oo lagu wado in ka biloowdo shirka golaha wadatashiga

25″ December “2022” Muqdisho

Madaxda Maamul-Goboleedyada Soomaaliya ayaa ku sii qul qulaya magaalada Muqdisho,si ay uga qeyb galaan shirka golaha wadatashiga qaran ee uu shir guddoominayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Dheeho.com

Shirkan ayay suurtagal tahay in ay soo dhax-galan arimo xasaasi ah oo ka baxsan ajandayaashii loo balansanaa in la guda galo dabayaaqada bishan December Iyadoo ay jirto xiisada in ay taagan tahay xiisad ka alloosan magalaada Baydhabo

Ka hadalka Mudo kororsigu waxaa laga yaabaa in uu boos ka helo shirka maadaama ay tahay talaabo ay doonisteedu qabaan laga bilaabo Axmed madoobe , Laftagareen ilaa Qoor-Qoor

Inkastoo arimaha amniga ooy ugu horeeyso ololaha ka dhanka ah argagixisada shabaab iyo dhameeystirka dastuurka lagu xusay qodobadii lagu balamay in la sii amba qaado marka laysugu yimaado shirka furmi doona maalmaha soo socda hadana waxaa jira-kudlad laga dareemi doono in uu ka dhax jiro Shirka golaha wadatashiga qaran

Kuwaas ooy u badan tahay in ay miiska keenaan hindisayaashii ay ku gunteen shirkii 4 geesoodka ahaa ee dhawaan lagu soo gaba-gabeeyay magaalada garoowe

Leave a Reply