February ” 1 ” 2021 “DHUUSAMAREEB-
Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa si weyn uga socota qaban-qaabada shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Waxaa maanta gaaray magaalada qaar ka mid ah madaxdii shirkan ka qeyb gali laheyd, iyadoo ammaanka magaalada si weyn loo adkeeyay.
Shirkan ayaa waxaa ku baaqay madaxweyne 30-kii bishan, kadib kulan uu Muqdisho kula yeeshay wakiilada beesha caalamka.
Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Ka Degay Magaalada Dhuusamareeb
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Guudlaawe iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, ku-xigeenkiisa iyo xubno kale, waxaana Madaxweynaha safarka ku wehlinayay Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale. oo uu ka mid yahay
Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ISNA goorsii horeysay oo Maanta ah gaaray Caasimadda Galmudug, waxaana halkaas ku wajahan Madaxweyaha Jubbaland oo isla Maanta lagu wado inuu tego halkaas.
Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo muran iyo khilaaf ka jira iyo sidii lagu xalin lahaa khilaafka taagan.