15- September-2023
Madaxii hore ee kubada cagta Spain Rubiales ayaa maxkamad lasoo taagay kadib fadeexad dhanka dhunkashada koobka aduunka
Madaxii hore ee kubada cagta Spain, Luis Rubiales, ayaa ka soo hor muuqday garsoore baaraya cabasho ku saabsan faraxumeyn ka dhalatay dhunkasho qasab ah oo ay ku dhunkatay ciyaar yahanada koobka aduunka ee haweenka Jenni Hermoso.
Dhageysigiisa ayaa soo baxay Jimcihii iyadoo ciyaartoyda kubbadda cagta ee ku guuleystay Koobka Adduunka ay sheegeen inay sii wadi doonaan qaadacaada xulka qaranka haddii aan isbedello kale lagu sameyn xiriirka kubadda cagta Spain, inkastoo Rubiales uu iska casilay xilkaas.
Daraasiin saxafiyiin ah ayaa ku sugnaa halka 46-jirka uu ka tagay maxkamada Madrid ee Audiencia Nacional ka dib markii uu su’aalo weydiiyay garsoore Francisco de Jorge oo hogaaminaya baaritaanka.
Rubiales lama hadlin saxaafadda.
Waxaa lagu waydiiyey dhageysiga albaabadu u xiran yihiin isagoo eedaysane ah oo ku saabsan eedeymaha “k壯陽藥 u xadgudubka galmada”. Hermoso sidoo kale waxaa loogu yeeri doonaa inuu marqaati furo waqti dambe.
Dhegeysiga, Rubiales ayaa mar kale ku adkaystay in dhunkashada ay tahay mid la isku raacsan yahay, ilo garsoor ayaa yiri