Galmudug oo sharaxaad dheeraad ah ka bixisay qorshaha Madaxweynaha..


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

6- August-2023- BBC

Madaxtooyada Galmudug ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixisay qorshaha Madaxweyne oo fariisin ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb ” Warbixin- Dheeho.com

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo waramayay BBC ayaa waxa uu sheegay in wax weyn ay Galmudug uga dhigan tahay inay marti geliyaan madaxweynaha Soomaaliya oo ajendihiisu uu yahay xoreynta dalka, isagoo xusay in ka Galmudug ahaana ay ka faa’iideysa doonaan fursadaas ay diyaarka ula tahay madaxda dowladda dhexe oo xoogooda isugu geeyey dagaalka gacanta Galmudug ku soo celin doona magaalooyin ay ugu Fac-Weeyntahay Ceelbuur

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa wareysi uu siiyey BBC wuxuu kaga hadlay sida maamulkiisu uu u arko go’aanka Masaxweynaha oo dagaalka Al-Shabaab ka hoggaami doona Dhuusamareeb.

Cali Ciid ayaa sheegay in wax weyn ay Galmudug uga dhigan tahay inay marti geliyaan madaxweynaha Soomaaliya oo ajendihiisu uu yahay xoreynta dalka, isagoo xusay in ka Galmudug ahaana ay ka faa’iideysa doonaan fursadaan ay diyaarka ula tahay madaxda dowladda dhexe oo xoogooda isugu geeyey dagaalka ka socda Galmudug.

Madaxweynuhu caasimadda Galmudug ayuu u soo guuray kuna shaqeyn doonaa, ujeedadiisu waa inuu xoreynta dalka u gacan banaanaado oo kulamadiisa siyaasadeed uu awooda ku saaro dagaalka Khawaarijta, marka xoogiisa wuxuu go’aansaday inuu isugu geeyo dagaalka Khawaarijta oo Galmudug ka bilowday dalka oo dhana lagu xorey doono,” ayuu yiri Cali Ciid.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in Xasan Sheekh muddo uu ku sugnaa doono Dhuusamareeb, “Waa madaxweynihii ugu horeeyey oo caasimada Soomaaliya uga soo guuray dagaal ka dhan ah Khawaarijta Al-Shabaab,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Ciid.

Waxaa la weydiiyey mudada uu Xasan Sheekh sii joogi doono Dhuusamareeb, wuxuuna ku jawaabay Cali Ciid inay qaadan doonto bil iyo wixii ka badan, sida u qorsheysan madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo mudadaasna lagu soo afjari doono Shabaab-ka ka dagaalamaya Galmudug

Leave a Reply