3- September-2023- Maxaas
Madaxtooyada Qaranka oo war ka soo saartay socdaalka Madaxweyne Xasan Shiikh ee degmada Maxaas ayaa sheegtay in Madaxweynuhu uu saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka kala hadli doono dardar galinta howgalada ciribtirka Khawaarijta Alshabaab Warbixin. Dheeho.com
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dardar galinta howgalada ciribtirka Khawaarijta ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah halganka dib u xoreynta dalka ayaa lagu yiri warka madaxtooyada ee ku aadan socdaalka Madaxweynaha ee Degmada Maxaas
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya , sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada oo ay dadka ree Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh ayah Madaxtooyadu ku xustay qoraalkeeda
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah u jooga gobolada dhexe ee dalka犀利士 hawlgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna ayay ugu danbeyntii tiri madaxtooyada qaranka