Madaxwene Xasan shiikh ayaa Safar deg-deg ah oo aan horey loo sii sheegin ku tagey Imaaraadka Carabta

22- May-2023- Dubai

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka safar ku aaday dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, safarkaan ayaa ah mid qarsoodi ah oo aan si rasmi ah loo shaacin, waana safarkii afaraad oo Madaxweynuhu ku tago dalkaas muddo sanad ah oo uu xafiiska joogo.

Safarkan uu saaka ugu ambabaxay Imaaraadka Carabta ayaa ku soo aaday maalmo kaddib markii uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Qatar oo si weyn loogu soo dhaweeyay

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in safarkan oo ahaa mid aan qorsheysneyn uu ka yimid dhinaca Imaaraatka Carabta, iyadoo xogaha qaar ay sheegayaan in dowladaasi ay ka carooday socdaalkii madaxweyne Xasan ee dalka Qatar.

Imaaraatka ayaa la sheegay ineysan bixin qarashaad badan oo ay u balnqaaday dowladda, waxeyna arrintaasi soo dadjaisay in xukuumada Muqdisho ay u qeyla dhaansato wadanka yar balse hodanka ah ee Qatar oo ay ishayaan Imaaraatka Carabta.