Madaxweynaashii Hore Ee Somalia Ayaa Si,Kulul U Dhaleeceeyay Gudiyada Doorashada Ee La Magacaabay

Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed oo War kasoo saartay Guddiyada Doorashada ee heer Federaal ee uu magacaabay Ra’iisul Waasaare Rooble.

Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu cambaareeyay in Guddiyada Doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka heer Federaal ay ka mid noqdeen xubno ka tirsan Hay’adda NISA iyo Shaqaalaha Rayidka, iyagoona sheegay in taas ay baalmarsan shuruucda dalka u yaalla, heshiiska doorashada iyo xeerarka Baarlamaanka.

Madasha ayaa sheegtay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay qaadi doonaan mas’uuliyadda wax kasta oo keeni kara muran iyo is qabqabsi shaki geliya madax banaanida Guddiyada iyo natiijada doorashooyinka Golayaasha Baarlamaanka Federaalka,

Xayeeysiin”

Sidoo kale Madasha Xisbiyada ayaa caddeeysay in Xukuumadda Soomaaliya aysan wax sharciyad ah u heysan soo magacaabida Guddiga Doorashada ee Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ee Somaliland, taasina ay gaf ku tahay metelaada dalka.

Ugu dambeyn Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uga baaqday inay ka waantooban tallaabo kasta oo dhaawici karta hanaanka Doorasho ee horey loogu heshiiyay.

Hoos ka Akhrsio Qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran

Leave a Reply