Madaxweynae Xasan shiiq oo booqday Ciidanka tababarka u jooga Eritrea

11″ November 2022″

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Eritrea ayaa mar kale la kulmay qaar ka mid ah ciidamada Somalia ee tababarka ku qaadanaya Eritrea

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder壯陽藥 aalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safarkiisii hore ee bishii Luuliyo ee sanadkan uu ku tagay dalkaas, dowladda Ereteriya uga codsaday in ciidanka tababarka u jooga qaar loo tababaro qeybta ciidamada cirka ayaa Dowladda Ereteriya uga mahadceliyay kaalinteeda dhismaha ciidanka Soomaaliyeed.

Warbaahinta dowlada ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Shiiq oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan dufcada koowaad ee ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Cirka uu warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah sarakiisha ciidanka, kuwaas oo la wadaagay Madaxweynaha sida ay diyaarka ugu q yihiin in ay qaataan kaalintooda ku aaddan xasilinta dalka oo hada cagta saaray dagaalka looga xoreeynayo argagixisada

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamada tababarka ku jira uga warbixiyay xaaladda dalka iyo guulaha dhammeystirka u baahan ee ay soo hooyeen ciidanka Xoogga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku ammaanay adkeysiga ay muujiyeen inta uu tababarku u socday, isaga oo intaas raaciyay in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in ay ka dulqaadaan argagixisada qatarta ku ah nolosha iyo horumarka dalkeena

Leave a Reply