17″ May”2022 “Muqdisho
Ciyaarta Awooda Geeska Afrika oo Isbadal Ka Taagan Xili Somaliya Ay Dooratay Hogaamiye Cusub Dheeho.com
Madaxweyne Xasan shiiq Maxamuud ayaa Jabuuti la leh xiriir soo jireen ah,halka Farmaajo uu xiriir dhow la lahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki .
Xasan shiiq Maxamuud ayaa markii labaad ku soo noqday xilka madaxweynanimada shan sano kadib iyadoo lays weeydiinayo saameeynta ay ku yeelan doonto colaada ka taagan geeska Africa
Madaxweynaha cusub oo la kulmay madaxweynaha xafiiska baneynaya ee Farmaajo
Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Madaxtooyada Waxaa kulan ay yeeshay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha xafiiska baneynaya Maxamed Cabdillahi Farmaajo.
Labada Mas’uul ayaa kulankooda ugu wada hadlay sida ugu suurta galsan ay u dhici lahayd xil wareejinta xafiiska Madaxweynaha, waxaana la isla gartay in si degdeg ah loo magacaabo Guddi arintaasi ka shaqeeya, oo uu hoggaamin doono Agaasimaha Madaxtooyada Maxamed Cabdillahi Ciise, sida laga soo xigtay Illo wareedyo madaxtooyda ka tirsan.
Sidoo kale, Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya ayaa haatan degan Hoteel ku dhaw garoonka Aaden Cabdulle, iyadoo la filayo in todobaadka dambe uu u guuro Villa Soomaaliya, halkaas oo lagu qaban doono munaasabad uu xilka si rasmi ah ugala wareegi doono Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.