16- October-2023- Muqdisho
Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaaa maanta furay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay qoddobadda mudnaanta leh Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayaa hay’adaha dowladda ku adkeeyey in ay xoogga saaraan ciribtirka khawaarijta, dhameystirka dastuurka, deyn cafinta iyo sidii dalkeenna looga qaadi lahaa cuna qabateynta hubka, isagoo sheegay in kobcinta aragtiyaha toolmoon ee dowlad dhiska iyo tayeynta fahamka lagu hoggaaminaayo dowladnimada casriga ah ay jaangoyn doonto sidaan uga heshiinno arrimaheenna siyaasadeed, si jiilasha soo socdo loogu horseedo dhabbo cusub oo waxtar u leh mustaqbalkooda.
Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo soconaya muddo labo maalmood ah, ayaa waxaa ka qeyb galaya dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada, khubaro caalami ah iyo Madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha.