Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
Waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jabuuti si diirran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa masuuliyiin kala duwan oo ugu horreeyo wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Jabuuti, wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Jabuuti, Danjiraha Jabuuti ufadhiya Muqdisho iyo masuuliyiin sare.
Ujeedka Safarka madaxweyne Qoor Qoor ayaa la sheegay in ay kamid tahay howlaha dhismaha dekedda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.
Madaxweynaha ayaa halkaas kula kulmi doona madaxda shirkado la filayo inay ka qeyb qaataan dhismaha dekedda.
Sidoo kale Qoor Qoor ayaa inta uu ku suganyahay dalkaas waxa uu la kulmi doonaa madaxda reer Jabuuti, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan xafiiskiisa