Madaxweynaha Eriteriya oo ka hadlay heshiiskii ay wada galeen Masar iyo Soomaaliya

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa habeenimadii Sabtida kasoo muuqday Telefishinka dowladdiisa, wuxuuna bixiyay wareysi uu kaga hadlay arrimaha taagan.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay heshiiska ay kala saxiixdeen Soomaaliya, Masar iyo dalkiisa Eritrea, iyo xaaladdha kaasoo ku saabsan Itoobiya iyo madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump.

Marka laga soo tago faallooyinkiisa ku aaddan xaaladda gobolka, madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta ee ku saabsan kaabayaasha biyaha, tamarta, iyo dhismaha tuulooyinka deggenaanshaha ee dalkiisa intii uu ku jiray waraysiga ay la yeesheen wariyaasha warbaahinta dowladda

Muxuu ka yiri heshiiskii ay wada galeen Masar, Soomaaliya iyo dalkiisa

Heshiiskii hore ee dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea
Qoraalka sawirka,Heshiiskii hore ee dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea

Waxaa la ogyahay in khilaaf ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya ka dib markii ay Itoobiya heshiis is afgarad ah la saxiixatay Jamhuuriyada iskeed Madaxbaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland kaas oo ku saabsanaa marin badda ah iyo Masar oo Itoobiya ay isku khilaafsan yihiin arrimaha webiga Niilka.

Gaar ahaan ka dib markii ay Itoobiya ku dhawaaqday in ay doonayso in ay marto oo ay door ku yeelato badda cas, Eritera waxa ay si dadban u muujisay sida ay uga xun tahay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr jeer safaro ku tagay Eritereeya sanadkan gudihiisam.

Sidoo kale, waxaa marar badan la sheegay in heshiiska saddex-geesoodka ah ee lagu saxiixay Asmara kadib markii Soomaaliya ay saxiixday heshiis milatari oo la xiriira Masar uu yahay mid ka soo horjeeda Itoobiya. Laakiin Madaxweynaha Ereteriya ayaa ka beeniyey arrintaas..

Madaxweynaha Isaias ayaa cambaareeyey “wararka been abuurka ah iyo ololeyaasha ay faafiyeen xoogag shisheeye iyo taageerayaal ku sugan warbaahinta guud iyo warbaahinta bulshada, kuwaas oo sii xoojin doona khilaafaadka ka jira gobolka.”

“Tani,[warbaahinta ku faafaya, ma aha walaac dhab ah oo ku saabsan Itoobiya,” ayuu yiri madaxweynaha, isagoo intaas ku daray in heshiiska ay gaareen saddexda dal uu “ugu muhiimsan yahay in la dhiso xasillooni gobolka ah.”

Danta ugu weyn ee Ereteriya ayaa ah in ay jirto “xasillooni iyo iskaashi guud oo ku saabsan Geeska Afrika oo dhan, wabiga Niil iyo dalalka deriska la ah Badda Cas,” ayuu yiri madaxweynaha.

Ereteera gabi ahaanba ma doonayso inay aragto Itoobiya oo ku jirta xasillooni darro,” ayuu sheegay Isaias, isagoo carabka ku adkeeyay in heshiisyada ay gaareen dalalka gobolka ay yareyn doonaan kalsooni-darrada isla markaana ay noqon doonaan kuwo miro dhaliya.

Isagoo soo hadal qaaday colaada ka oogan Sudan ayuu Madaxweyne Isaias Afwerki sheegay in xalinta colaada ay u taallo dadka reer Sudan balse wuxuu sheegay in taariikhda iyo xiriirka soo jireenka ah ee dalkiisa kala dhaxeeya ay ku qaaday inay qabtooda ka qaataan xalinta iyo deggaanshaha gobolka.

Muxuu ka yiri Trump

Muxuu ka yiri Trump
Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Ereteriya; wuxuu sheegay in ay weli horay u tahay in la saadaaliyo in siyaasadaha Trump ay isbedel keeni doonaan.

Madaxweynaha Isaias ayaa ku sheegay faallooyinkiisa ku aaddan Madaxweynaha Mareykanka ee la doortay, Donald Trump iyo fikradda ah “America Great Again” ay muujineyso in saameynta Mareykanka ee caalamka ay sii yaraaneyso.

Wuxuu sheegay in saameynta Mareykanka ee dhinacyada dhaqaale, milatari, tignoolajiyad iyo kuwo kale ay hoos u dhacday soddankii sane ee la soo dhaafay.

Madaxweynaha Isaias ayaa sheegay in saameynta dhaqaale iyo tignoolajiyadeed ee Shiinaha iyo saameynta Ruushka ay caqabad ku yihiin Mareykanka.

Wuxuu intaas ku daray, ma noqon doontaa maamulka cusub ee Mareykanka mid wax ka beddela siyaasadda? Waxa uu sheegay in arrintaas ay shaki ku jirto.

Madaxweynaha Ereteriya; wuxuu sheegay in ay weli horay u tahay in la saadaaliyo in siyaasadaha Trump ay isbedel keeni doonaan.

“Waxaan u baahanahay inaan shaqada horey u qabanno oo diyaar u noqonno inaan dhisno xiriir wax dhisaya,” ayuu raaciyay.

Xiriirka Ereteriya ee Mareykanka ayaa ahaa mid aan degganeyn muddo ku dhow saddexdaatan sano, waxaana Madaxweynaha Isaias marar badan ku eedeeyay Mareykanka in uu mas’uul ka yahay xiisadda ka jirta dalkiisa iyo gobolka.

Xigasho BBC