Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo soo Dhaweeyay Bayaankii Ankara

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa soo gabagabeeyay booqasho rasmi ah oo hal maalin qaadatay oo uu ku tagay dalka Itoobiya.

Markii uu Macron gaaray dalka Itoobiya, waxaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Waxaa la sheegay in Ra’iisul Wasaare Abiy iyo Madaxweyne Macron ay ka wada hadleen iskaashiga labada dal iyo arrimaha gobolka.

Labada hogaamiye ayaa shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Sabtidii shalay ku sheegay in Macron uu taageerayo dadaalka ay Itoobiya ugu jirto sidii ay dalalka dariska la ah uga heli lahayd marin badeed, iyada oo loo marayo wadahadal iyo shuruucda caalamiga ah.

Macron ayaa bogaadiyay heshiiskii Ankara ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo ay horraantii bishaan kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy, uuna goobjoog ka ahaa Madaxweyne Erdogan.

Xiisadda ka dhalatay heshiiskii is afgaradka ahaa ee u dhaxaysay Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa muran ka abuurtay gobolka Geeska Afrika.

Erdogan ayaa heshiiska ku tilmaamay mid taariikhi ah, isagoo rajo ka muujiyay inuu noqon doono tallaabadii ugu horreysay ee nabad iyo iskaashi dhexmara labada dal.

Booqashadiisa rasmiga ah ee Sabtidii, Macron wuxuu xusay inuu taageersan yahay dadaalka Itoobiya ee ku aaddan helista marin badeed, wuxuuna caddeeyay in dalkiisu uu gacan ka geysan doono.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay si weyn uga wadahadleen dadaalka ay Itoobiya ugu jirto sidii loo heli lahaa marinka badda si nabad ah.

Maxay ka dhigantahay in madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu taageero helitaanka Itoobiya ee marin badeed

Dr Cabdiwali Maxamuud Gureey oo ka faalooda siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ayaan wax ka waydiinay booqashada madaxweynaha faransiiska Macron iyo waxa ay ka dhigantahay.

“Waxaa is badalay si guud xiriirka caalamiga ah iyo sida ay dalalku u danayn jireen Afrika, waana wajiga cusub ee Faransiiska uu rabo inuu ula macaamilo,” ayuu yiri Dr Gurey.

Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday in Faransiiska iyo Jabuuti ay si gaar ah u wada xiriiraan oo dano badan ay ka midaysanyihiin.

Waxa uu soo hadal qaaday bogaadinta madaxweyne Macron ee Itoobiya iyo in uu ku garab istaagayo helista marin badeed.

“Faransiiska waxa uu kamid yahay dowladaha Itobiya u soo dhisayay ciidanka badda, taas ayaana keenaysa inay ku taageerto helista marin biyood, waxbadan ayayna wadaagaan labadaas dal,” ayuu yiri Dr Cabdiwali Maxamuud Gureey.

Falaqeeyaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in heshiiskii u danbeeyay ee Itoobiya iyo Soomaaliya ee dhanka muranka badda uu wali sugayo in la horkeeno labada aqal ee baarlamaanka.

Dr Cabdiwali Maxamuud Gureey

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo dowladda Faransiiska taageerada ay ka geysaneyso dib u habeynta xarunta qaranka iyo dayactirkeeda.

Dhankiisa, Macron waxa uu farriin ku qoran afka Amxaariga ku daabacay boggiisa X waxa uuna sheegay in “Xiriirka labada dal uu yahay mid ku salaysan taariikh iyo mashaariic ay wadaagaan.

Macron waxa uu intaa ku daray in dalkiisa, France, ka qayb qaadan doono “si loo taageero casriyaynta dib u habaynta dhaqaalaha Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Pretoria, kaas oo saldhig u ah nabadda iyo xasilloonida Tigrayga.

Macron waxa uu sheegay in Faransiiska ay ka go’an tahay taageerada muwaadiniinta ay saameeyeen colaadaha Itoobiya.

Dhanka kale waxa uu muujiyay taageerada uu u hayo qaab dhismeedka dib u habaynta dhaqaalaha Itoobiya oo uu tilmaamay in ay dhici karto in deyn lagu dhammeeyo “toddobaadyada soo socda,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Toddobaadyada soo socda, waxaan ka shaqeyn doonaa si aan u dhameystirno 3 bilyan oo deynta Euro ah,” ayuu yiri Macron, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Reuters.

Abiy iyo Macron waxay booqdeen Qasriga Qaranka ee dhawaan dib u habeyn lagu sameeyay.

Qasriga qaranka oo lagu dhisay 25 milyan oo Yuuro oo ay bixisay hay’adda horumarinta ee dawladda Faransiiska, ayaa la filayaa in dhawaan loo furo dadweynaha.

Nashqadeeyayaal Faransiis ah iyo xirfadlayaal kale ayaa ka qeyb galay dabaaldega, ayuu yiri Macron.

Waa markii labaad ee Emmanuel Macron uu booqdo Itoobiya lixdii sano ee ugu dambeysay.

Madaxweynaha Faransiiska oo isku maray dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa soo gabagabeeyay booqashadiisa rasmiga ah, wuxuuna dib