Madaxweynaha Galmudug oo Kulan La Yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka

Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya sida Qaramada Midoobey, Midawga Yurub, Mareykanka, UK, Sweden & Midawga Afrika.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021 iyo sidii loo dhammeystiri lahaa hannaanka doorashada ee lagu gaaray shirkii Dhuusamareeb-3 si dalka ay uga dhacdo doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Kulanka oo qaatay saacado ayaa kusoo dhamaaday is afgarad waxaana dhinacyadu ay sheegen in kulankoodu uu kusoo dhammaaday guul.

Leave a Reply