McDonald’s oo uu hoos u dhac la soo dersay markii laga qaaddacay khaliijka dagaalka Qasa dartiis

11″Aug”2024

Shirkadda McDonald’s ayaa go’aansatay in uu dib uga fikirto istaraatijiyadeeda qiimaha iibka, kadib markii ay hoos u dhacday tirada macaamiisha taas oo keentay hoos u dhac ku yimid iibka weyn ee cuntada iyo baaqyadii qaadacaada ahaa ee ka dhashay dagaalka Qasa.

Xarumihii furnaa ugu yaraan muddo hal sano ah ayaa la kulmay hoos u dhac xagga iibka ah 1% bilihii Abriil ilaa Juun marka la barbar dhigo sannadkii hore, waana hoos u dhicii ugu horreeyay ee tan iyo xilligii cudurkii Safmarka ee Coronavirus.

Hoos u dhaca ayaa yimid inkasta oo shirkadda Hamburger ay bixiso heshiisyo lacag celin ah si ay isugu dayaan inay dib u kasbadaan macaamiisha, iyo sidoo kale in dadka qaar ay qaadaceen McDonald’s dagaalka Israa’iil ee Gaza awgii.

Qaadacaadda ayaa bilaabatay kadib markii waddamada Carabta iyo kuwa Muslimka sida Kuwait, Malaysia iyo Pakistan ay soo saareen bayaan ay ku sheegeen inay ku qaadaceen shirkadaasi sababo la xiriira waxa ay u arkaan in shirkadu ay si cad u taageerto Israa’iil.

Shirkaddan ayaa la kulantay dhaleecayn kadib markii ay cunno lacag la’aan ah siisay ciidamada Israa’iil bilowgii dagaalka Gaza.

Jawaabaha hooseeya ee dalabka ayaa ku qasbay shirkadda inay “si buuxda uga fikirto” qiimaha, ayuu yiri madaxweyne Chris Kempczinski.

Kempczinski wuxuu u sheegay maalgashadayaasha shirkadu inay ku tiirsanaan doonaan qiimo dhimis si ay isugu dayaan inay joojiyaan hoos u dhaca iibka.

McDonalds

Maamulayaashu waxay tilmaameen xayeesiinadii dhawaa, sida $5 ku iibso Cunto ku farax geliso dalka Maraykanka iyo olole kale oo ka socda UK in uu u ogolaanayo macaamiisha inay doortaan saddex shay oo cunto ah oo £3 ah.

Dalabaadkaas ayaa la filayaa in la kordhiyo bilaha soo socda. Shirkaddu waxay sheegtay inay kala shaqaynayso shirkadaheeda ganacsi arrimaha ku saabsan dadaallada kale ee “qiimaha.

Saamiyada shirkadda ayaa kor u kacay in ka badan 3 boqolkiiba kadib markii dib u habeyn lagu sameeyay, iyadoo Kempczinski uu sheegay in McDonald’s uu awood u leeyahay in uu ka dhigo istaraatiijiyadiisa mid shaqeyso.

“Waynu naqaan sida loo sameeyo taas. Waanu qornay istaraatiijiyadda, waxaanan kala shaqaynaynaa shaqaalaheenna si aan u samayno isbeddellada lagama maarmaanka ah,” ayuu yiri Madaxweynaha McDonald Chris Kempczinski.

Celcelis ahaan qiimaha Big Mac-ka ee Mareykanka, oo hadda ah $5.29 ayaa kor u kacay 21% tan iyo sanadkii 2019kii, taas oo la jaanqaadaysa xawliga sicir bararka, iyada oo badeecooyin badana ay sare u kaceen wax ka yar intaas.

McDonald’s ayaa la kulantay jawaabo ka yimid macaamiisha ka dib markii ay sare u qaadeen qiimaha intii lagu jiray cudurkii Safmarka ahaa ee Coronavirus.

Bishii hore, madaxa hawlgallada ee Mareykanka ayaa si rasmi ah uga jawaabay cabashooyinka warqad furan oo macaamiisha ah, isagoo sheegay in baraha bulshada ay bixiyaan sawir aan sax ahayn.

Si kastaba ha noqotee, baaq loo jeediyay maalgashadayaasha, Kempczinski wuxuu qiray in shirkaddu ay leedahay shaqo ay ku soo celiso sumcadeeda sida soo jeedinta qiimaha.

Kempczinski wuxuu qiray in sare u kaca qiimaha looga jawaabayey sicir bararka, “waxay ku kalliftay macaamiisha inay dib u eegaan caadooyinkooda wax iibsiga “ . Waxa uu sheegay in iyadoo suuqyada qaar ay awoodeen inay la qabsadaan, kuwa kalena, “in ay dib uga fakaraan ay lagama maarmaan ahayd.”

McDonalds

McDonald’s ayaa si degdeg ah u kordhiyay qiimaha cuntooyinka muhiimka ah marka loo eego macaamiishiisa, ayay tiri, falanqeeyaha Bank of America, Sara Senatore, iyada intaasi raacisay, “Macaamiishu waa caqli badan yihiin, wayna ogyihiin.”

Cuntada 5ta doolar ah ee ay bilaabeen waxay noqon kartaa bilawga isbeddelka aragtida, laakiin weli ma aynu arag isbeddel dhinaca dhaqdhaqaaqa ah, taasina waa waxa ay u baahan yihiin macamiishu inay arkaan,” ayay tiri.

McDonald’s waa shirkaddii ugu dambeysay ee ka digto hoos u dhaca ku yimid kharashaadka macaamiisha, kaas oo laga dareemayo dhaqaalaha dalalka waaweyn sida Shiinaha.