
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo maanta dib uga furmay Caasimadda Muqdisho.
Shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagaga arrinsanayaa amniga, horumarinta dalka iyo dhameystirka hannaanka dimuquraadiyeynta.