Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay qado sharaf uu Ra’isul Wasaaraha sameeyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay qado sharaf uu hoygiisa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ugu sameeyay Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka oo Muqdisho shir uga socdo.

Kulanka qadada ah waxaa kaloo ka qeybgalay Ra’isul Wasaare ku-xigeenka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay halka uu marayo shirka wada tashiga Qaran oo maalmahan ka socday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo xalay la hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa la wadaagay guulihii laga gaaray shirka Madasha Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuuna xusay in kulanka 10-aad ee Golaha lagu soo bandhigay Ajandayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin dardar gelinta la dagaallanka khawaarijta, xoreynta dalka, dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Mudane Xamsa ayaa intaa raaciyay in madaxda kasoo qayb gashay shirka ay ku jiraan wada tashiyo la xiriira qodobbada qaarkood oo muhiim ah, wuxuuna sheegay in marka uu kulanku dhamaado laga soo saari doono war-murtiyeed, isagoo u rajeeyay in shirku uu kusoo dhamaado guul.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada, gobanimada, Qarannimada Soomaaliyeed, dhowrista karaamada Umadda iyo inaan ka fogaanno wax kasta oo keeni kara kala qaybinta dadka Soomaaliyeed