Daawo” Muuqaalada ay Bixiyeen Madaxweyne Xasan ” Gudoonka Labada Aqal” Xildhibaan CCWarsame ” Sanbaloolshe Iyo Cali Jeyte ee Dhuusamareeb

September 22, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan wadatashi ah Magaalada Dhusamareeb kula qaatay guddoonka  Xildhibaanada BFS, siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka ee ka howlgala furimaha dagaalka.

Kulankaaasi waxaa dhinacyada ka qeybgalay ay ka arrinsadeen dardar galinta dagaalka Al-Shabaab, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh   oo ka hadlay kulankaasi uu xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay la dagaallanka Al-Shabaabka weli ku sugan gudaha dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku tal犀利士 iyay in dhallinyarada la marin habaabiyay ay ka soo laabtaan la shaqeynta kooxda, isla-markaana ay wax la qeybsadaan bulshada Soomaaliyeed ee u xusul duubaya horumarkooda.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa markale uu shacabka ku  adkeeyay in ay u midoobaan dagaalka Al-Shabaab, si looga saaro dalka oo

SHIIKH AADAN MADOOBE

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa darriin u diray dalalka deriska la ah Soomaaliya, isagoo ugu gacan haatiyey inay ku soo biiraan dagaalka Al-Shabaab, maadaama khatarta kooxdaan aysan ku koobnaa doonin Soomaaliya, hadey sii jiraan.

“Deriskeena waxaan leeyahay cadowgaan Soomaali kuma koobna, Soomaaliya ayey tabar darro ka dareemeen maahane, cadowgaan isku si ayey noola dagaalamayaan, derinkeena waxaan leeyahay indhaha fura, yaan la yareysan Al-Shabaab,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu sheegay in Shabaab aysan laheyn 3 sifo oo dadka lagu xukumi karo, kuwaas oo kala ah 1-Siyaasiyiin maaha oo dadka ma kasbadaan ee waa dilaan, 2-islaam maaha oo dadka dhiigooda ayey baneysteen, 3- Soomaali maaha, oo dadkooda ma xasuuqeen hadey Soomaali yihiin, seddaxdaas arrimood in aysan aheyn ayuu Shabaab ku sifeeyey Cabdi Xaashi.

CABDI XASHI C/LAHI

CCWARSAME

SANBALOOLSHE

CALI JEYTE

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ka balan qaaday in isagoo niyad jabsan uusan Dhuusamareeb ka tegi doonin.

“Hadii caawa madaxweyne madaxaagu hoos u raaraco, waxaan kaa balan qaadeynaa adigoo niyad jabsan in Dhuusamareeb aadan ka tegi doonin,” ayuu yiri.

Leave a Reply