
5- January-2023 “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweyne犀利士 Ku-xigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, Mudane Josep Borrell ayaa uga mahadceliyey mowqifka adag ee Midoowga Yurub ay ku garab istaageen midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Ururrada heer gobol iyo heer qaaradeed ay ku adkeynayaan xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka.