Muqdisho 8″ March “2023”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka iyo Sharciga Korontada Qaranka.
Munaasabadda saxiixa sharciyadda oo ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u turxaan bixiyeen shuruucdan, dadaalkana ugu bixiyeen in ay noqdaan kuwa ka tarjumaya baahiyaha iyo duruufaha ku xeeran dalkeenna.
“Dal casri ah oo qawaaniintu sareyso ayaan rabnaa, dalkani dowladiisa tilaab kasto oo ay qaadeyso hadey hormar tahay, amni tahay, siyaasad tahay dhamaan waxaa ay ku saleysnaanayaan sharciyo.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in wada-shaqeynta hay’adaha fulinta iyo sharci dejintu ay horseedday in la dhammeystiro sharciyo badan oo muhiim u ah dalka, kuwaas oo uu ka mid yahay Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka oo noqonaya sharcigii ugu horreeyey ee hagaya Hay’adda, tan iyo markii la aas-aasay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in dowladdu ay gacan kula dagaallameyso Alshabaab, dalkana ka xoreynayso, halka gacanta kale lagu dhammeystirayo shuruucda iyo xeerarka hagaya dowladnimada Soomaaliyeed oo ku suntan sarreynta sharciga iyo qaanuunka.
Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa digniino ka bixiyay qodobo ku jira Sharciga cunaqabateynta maaliyadeed ee gaarka ah Iyo sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka oo Awoodo badan loo baahneeyn siinaya hadba hogaanka markaas jira keeni karana xadgudubyo tka dhan ah xuquuqda Adanaha sida
Hantida gaark ah ee dadweynaha oo lagu dhaco shaatiga dowlada iyo qabqabasho awood sheegasho ay ku jirto ayaa ah walaaca ugu badan ee sharciga madaxweynuhu sixiixay oo loo baahnaa in lagu sameeyo Turxaan bixin ka tarjumaya baahida iyo duruufaha dal doonaya inuu horey u dhaqaaqo