16- September-2023
Falcelin xoogan ayaa waxa ay ka dhalatay tallaabo yaab leh oo uu maanta qaaday madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) adib markii uu magacaabay wakiil gaar ah oo maamul goboleedkaas u qaabilsanaan doono dalka Kenya.
Xilkan cusub ayaa waxaa loogu magacaabay Sadik Abdullahi Bogale, kadib wareegto kasoo baxday madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland.
“Wuxuu Madaxweynaha Dowladda Jubaland u magacaabay Mudane Sadik Abdullahi Bogale Wakiilka Dowladda Jubaland u Jooga Dalka Kenya” ayaa lagu yiri wareegtada.
Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga horyimid magacaabista Axmed madoobe ee wakiilka jubaland ee Kenya
Waxayna sheegeen in dalku leeyahay dowlad dhexe oo mas’uul ka ah xuduudaha dalka oo dhan iyo sidoo kale siyaasadda lagu wajahayo arrimaha dibadda.
Iftin Barre oo kamid ah dadkaas ayaa si weyn iuga digay tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe, wuxuuna yiri “Waxaas sharci ma’ahan ka joog Axmadow
Siyaad Nuur ayaa dhankiisa taageeray tallaabadan “Tilaabada Jubbaland waan soo dhaweynayaa”ayuu qoraalkiisa ku yiri.
Xamza Killeh ayaa isna yiri “Axmadow, wadanka ka daa ciyaarta safaarad iyo wasaarad ayaa shaqo ku leh arrimahaas”.
Ibraahim Xaaji ayaa sidoo kale isna tuhun ka muujiyay magacaabistan “Danaha Kenya si gaar ah ha u fuliyo miyaa?” ayuu yiri
Madaxweynaha Jubaland oo magacaabay wakiil u qaabilsanaan doona Kenya
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed I壯陽藥 slaam ayaa magacabay wakiil maamulkiisa u fadhin doona dalka Kenya.
Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxwaynaha Jubaland ayaa lagu sheegay in Sadiiq Cabdulahi Bogale loo magacabay wakiilka Kenya u fadhin doona dalka Kenya