2″ January “2021
Madaxweynaha Jubbaland dowlada Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka hadlay xaaladda amni ee dalka Soomaaliya, xili dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyay ayaa ku baaqay dhammaan dhinacyada kala duwan ee dalka inay ka shaqeyaan sidii loo dhamayn lahaa kala aragti duwanaanshaha amniga dalka iyo sidii la isugu iman lahaa shir lagaga tashanayo dalka.
Waxaa kale Madaxweynaha Jubbaland uu sheegay in xaaladda amni ee dalka ay muhiim u tahay Doorashooyinka oo si nabad ah ku dhaca, taasna lagu gaari karo wada hadal iyo in loo midoobo sidii tabashooyinka jira loo xalin lahaa.
Axmed Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay in waxa loogu yeero Argagixisadu ay ka faa’iidaysanayaan xaaladda uu dalku ku jiro, iyagoo beegsanaya dadka Shacabka ah, wuxuuna ku baaqay in si wadajir ah loola dagaalamo.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa u mahadceliyay Machadka Heritage oo soo qaban-qaabiyay Shir saddex maalmood socday oo looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ku jireen xaaladda dalka iyo doorashada oo lagu qabtay Magaalada Garoowe.