Madaxweynaha Jubbaland oo guul taariikhi ah ku tilmaamay ansixinta heshiiska doorashada

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo dhaweeyay Ansixinta heshiiska Doorashooyinka ee labada Aqal ee Baarlamaanka ay maanta meel mariyeen.

Waxaa uu sheegay inay tani dhabaha u xaarayso in la sii dardar galiyo shaqooyinka dhiman iyadoo laga faa’iidaysanayo waayo aragnimada uu dalkeenu u leeyahay qabashada Doorashooyinka heer Federaal afartii sanaba hal mar.

“waxaan rumaysanahay in ay maanta labada aqal ee Baarlamaanku gaareen go’aan Tariikhi ah oo fursad inoo siinaya in aan sii amba qaadno waxyaabaha dhiman si Doorashadu ay ugu dhacdo jawi nabdoon oo lagu qanacsan yahay taas oo ah arin soo socotay Sanadahii lasoo dhaafay ee dib u dhiska Dowladnimadeena ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Waxaa uu intaas ku daray in loo baahan yahay wada shaqayn buuxda iyo dadaal hagar la’aan ah oo dhamaan dhinacyadu ay u dhan yihiin si loo wajaho mustaqbalka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ugu mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamaanka labada Aqal ee JFS go’aanka Tariikhiga ah ee ay maanta gaareen taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay in laga dhabeeyo rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan sidii dalka ay uga dhici lahayd Doorasho heshiis lagu yahay.

Leave a Reply