Madaxweynaha Kenya oo warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjire Jibriil

Madaxweynaha dowladda Kenya William Ruto ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kenya Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Dhawaan Madaxweynaha Jaahuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa  magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo uu maanta warqadaha aqoonsiga safiirnimo qasriga Madaxtooyada kaga guddoomay Madaxweyne William Ruto.

Magacaabista Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle  ayaa wada wanaagsan u jeexi doonta Xariirka labada dowladood, maadaama uu yahay shaqsi galaangal xoogan ku leh Kenya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda cagta saaray waddo horay loogusii qaaday xasilooni siyaasadeed, waxaana magacaabista J犀利士 abriil Ibraahim Cabdulle  si wayn usoo dhaweeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Leave a Reply