Madaxweynaha Museveni ayaa ugu hambalyeeyay shacabka soomaaliyeed iyo dowladooda guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan argagixisada shabaab

10″ October “2022” Kampala

犀利士 image aligncenter size-full”>

Madaxweynaha uganda Yoweri Museveni ayaa ugu hambalyeeyay shacabka soomaaliyeed iyo dowladooda guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan argagixisada shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degeen maalintii shalay, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doorka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliyeed guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada laga xoreeyey, isagoo carrabka ku adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa oo door weyn ka qaatay nabad ilaalinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Museveni ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa oo ka qeyb-galay xuska 60-guurada xornimada dalkiisa, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka dalka Uganda

Leave a Reply