1″ Mar “2023 ” Kismayo”
Madaxweynaha Jubaland iyo dadweyne farabadan ayaa isugu soo baxay garoonka diyaaraha magaalada kismaayo si ay u soo dhaweeyaan Madaxweynaha Somalia 🇸🇴 Xasan Shiikh Maxamuud oo safarkiisii ugu horeeyay ku tagey maamul-gobleedka #Jubaland tan iyo markii dib loogu soo doortay talada dalka horaantii sanadii hore
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray magaalada #Kismaayo halkaas oo uu si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka #Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ujeedka safarka Madaxweye Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu yahay si uu u dardargeliyo howlgallada ka dhanka Al-shabaab ee deegaanada Jubbaland.
Jubbaland waxay wax ka qabataa weerarrada xagjiriinta, colaadaha siyaasadeed iyo martigelinta tirada dadka gudaha ku barakacay.