10-April-2024

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay Madaxtooyda qaranka ku ciidsiisay qaar ka mida caruurtii ay ka tageen aabayaashii askarta Soomaaliyeed ahaa ee u geeriyooday dagaalka dalka looga xoreeynayo argagixisada Alshabaab
Madaxweynaha Somalia Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo farxadda Munaasabadda Ciidul fidriga la qaatay caruurtan ayaa ku dhawaaqay in dowladdiisu ay damaanad qaadeeyso daryeelka waxbaridda caruurtan Iyo in la siin doono xuquuq u gaar ah caruurta agoonta ah ee Ciidamada Qalabka Sida.
Madaxweynaha ayaa sheegay in geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida犀利士 ee naftooda qaaliga ah u huray xoreynta iyo difaaca dalka ay ummadda Soomaaliyeed ugu qoranyihiin Baal dahabi ah, dowladdooduna aysan marnaba hilmaami doonin ubadka iyo ehelladooda sharafta badan, isaga oo Alle u weydiiyay dhammaan halyeeyadii nafta u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta islaamka in uu hoygooda ka yeelo Janatul Firdowsa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku amaanay hooyooyinka iyo waalidiinta kale ee gacanta ku haya barbaarinta ubadka Shuhadada, sida kartida iyo dhabar adeyga leh ee ay dusha u saarteen mas’uuliyadda