Madaxweynaha Somalia oo muxuu kala hadlay odayaasha dhaqanka Koonfur-galbeed ?

21″ January “2023” Baydhabo”

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxmauud oo kulammo wadatashi ah kula qaatay magaalada Baydhaba odayaasha dhaqanka Koonfur-galbeed ayaa ka dalbaday in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo xaqiijinta Koonfur-galbeed heshiis ah.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa la wadaagay talooyinkooda ku saabsan hannaanka dib u heshiisiinta, dagaalka ka dhanka Khawaarijta Alshabaab, xasilinta iyo horumarinta deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maalinkii lixaad 壯陽藥 ku sugan magaalada Baydhaba ayaa wada dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalkiisa Baydhabo.

Kulanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Leave a Reply