14″ Aug”2022″ Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoashada Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa u magacaabay Ergey Gaar ah oo u qaabilsan arrimahaas Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Ergayga Gaarka ah looga fadhiyo sidii uu uga miro-dhalin lahaa dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku bixineyso ololaha ku biiridda Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), si dadka Soomaaliyeed ay u soo bandhigaan fursadaha ganacsi, dhaqaale, bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin iyo doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta ay ku leeyihiin guud ahaan Gobolka.
The President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, who is speeding up the plan to become part of the East African Community (AEC) has appointed a Special Envoy in charge of these matters,Mr. Abdisalam Omar Hadliye, who previously served as the Minister of Foreign Affairs of Somalia pic.twitter.com/2lsYasLh3w
— Elmi Farah Boodhari (@BoodhariFarah) August 14, 2022
Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa khibrad, aqoon iyo xirfad wanaagsan u leh arrimaha diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah, taas oo u sahleysa in uu xaqiijiyo hiigsiga Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Wasiir Cabdisalaam oo horay u soo hoggaamiyey hay’addo kala duwan oo waddani iyo kuwa caalami ah ayaa soo noqday Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.