Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
8″ October “2022” Kampala Uganda
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayay booqasho uga bilaabatay dalka Uganda oo into uu joogo uu kaga qaybgalayo xuska 60-guurada ka soo wareegtay markii Uganda ay ka baxday gacantii gumeeysigii Ingriiska iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalkii ku taageeray Uganda halgankii xornimo doonka Dheeho.com
Warbaahinta dowlada ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo garab istaagga halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab uu la yeelanayaa Madaxda dalkaas, si taageero heer gobol ah loogu helo howlgallada socda, lana xoojiyo iskaashiga ku aaddan amniga.
Madaxweynaha Somalia ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkooda oo ay u dabbaal degayaan, isagoo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doworka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya
Madaxweyne xasan ayaa inta uusan ka soo Ambabixin muqdisho waxa Fariin ku aadan xuska dhalashada Xabiibkeenna Nebi Maxamed nabad-gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee oo todobaadkan ku beegan u diray shacabka soomaaliyeed