22″ January “2023 “Baydhabo
Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxay markale go’aamiyeen in Soomaaliya ay we犀利士 li leedahay xuquuqda cod-bixintooda, iyaga oo shaaciyay illaa lix dal oo lumiyey xuquuqda golaha.
Dowladda Soomaaliya ayaa sida la ogyahay weli aan bixin qaaraankii Qaramada Midoobay ee lagu lahaa labaddii sanno ee la soo dhaafay.
Go’aankan ayaa noqonaya midkii sanadkii labaad ee Soomaaliya iyo dalalka Comoros, Sao Tome and Principle laga caafiyo qarashka miisaaniyada sanadlaha ee Qaramada Midoobay.
Lix waddan ayaa lumiyey xuquuqdooda cod-bixinta Qaramada Midoobay, kadib markii ay bixin waayeen qaaraankii laga rabay, kuwaasi oo kala ah; Lubnaan, South Sudan, Gabon, Venezuela, Dominican Republic iyo Equatorial Guinea.
Dalka Lubnaan oo kamid ah dalalka lumiyey xuquuqdooda cod-bixinta QM ayaa waxa uu sheegay in uu bixin doono 1.8 million oo dollar, oo ah qaaraanka kaga soo aaday miisaaniyada howl-gelinta QM.