Sida uu Madaxweyne Xasan Shiikh u daaweeynayo dakanadii uu farmaajo dhexdhigay dadka digil iyo mirifle

20-‘ October-2023

Shaki kuma jiro In Madaxweyne Xasan shiikh uu culeys badan saaray sidii uu miro geed qura kuwada yaal uga dhigi lahaa walaalaha Digil iyo Mirifle ee deegaanada koonfur/galbeed oo uu farmaajo kala dhexdhigay daakano dhiig badan ku daatay oo xoog u adeegsiga dadka rayidka loo maray ciidamada Itoobiya iyadoo lagu rajo galinayo helitaanka 4 dakadood.

Laakiin maanta waxaa muuqata rajooyin taas ka badelan Caqabadaha nololeed, bulsho iyo maamul ee shacabka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed iyo dhibaatooyinka argagixisada Al-Shabaab ayaa lagu soo bandhigay kulan ka dhacay magaalada Xudur ee gobolka Bakool, kaasoo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,

Kulanka ooy ka soo qaybgaleen Mas’uuliyiinta heer Federaal iyo heer dowlad goboleed Iyo dadka deegaanka Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa xoogga lagu saaray qorshaha howlgalka wajiga Labaad ee dagaalka xoreynta dalka, iyadoo #Xudur iyo deegaanada hoostaga ay 5 tii farmaajo aheyd meelaha ugu silic badan ee argagixisadu ay siday rabto ka yeeysho islamarkaana aragtay socdaal la,aanta madaxda dowlada

Madaxda iyo masuuliyiinta heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee Koonfur-galbeed ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo Khawaarijta, iyagoo ballanqaaday in ay safka hore ka galayaan jiidaha dagaalka, abaabulka dadweynaha iyo taageerada犀利士 wajiga Labaad ee halganka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey reer Bakool iyo guud ahaan bulshada Koonfur-galbeed sida ay ugu mideysan yihiin dowladnimada, uguna taagan yihiin in ay iska dulqaadaan argagixisada dhiig-miiratada ah ee caqabadda ku noqotay horumarka deegaannadooda.

Leave a Reply