12″ December “2022
Go’aanka Mareykanka ee ah in uu dib u soo celiyo saameynta luntay ee Afrika ayaa la tijaabin doonaa marka uu furmo shirku hogaamiyaasha Africa iyo Maraykanka oo Madaxda ka qaybgaleeysa uu ku jiro Madaxweynaha Somalia Xasan shiikh Maxamuud
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa gaaray magaalada Washington iyadoo daraasiin hoggaamiyeyaasha qaarada africa ay ku sii qulqulayaan Maraykanka si ay uga qaybgalaan seddex maalmood oo wadahadal magaalada Washington ay kula yeelanayaan Masuuliyiinta Maraykanka .
Ahmiyada ugu sareysa ee Madaxweyne Joe Biden Shir Madaxeedka壯陽藥 Hogaamiyeyaasha Mareykanka iyo Afrika,oo ujeedadiisu tahay in la kordhiyo iskaashiga qaar ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan adduunka, ayaa noqon doona in la dejiyo mustaqbalka gelitaanka suuqa.
Madaxweyne Joe Biden ayaa lagu wadaa in uu Washington ku martigeliyo daraasiin hoggaamiyeyaal Afrikaan ah iyada oo Aqalka Cad uu u muuqdo inuu yareynayo farqiga kalsoonida ee Afrika – taas oo sii kordheysa sannlado badan oo niyad jab ah oo ku saabsan ballanqaadka Mareykanka ee qaaradda.
Hormuudka shirka saddexda maalmood ah ee Hogaamiyeyaasha Mareykanka iyo Afrika oo billaaban doona Talaadada, mas’uuliyiinta maamulka Biden waxay hoos u dhigeen walaaca sii kordhaya ee Shiinaha iyo Ruushka ay ku yeelanayaan Afrika, oo ay ku nool yihiin in ka badan 1.3 bilyan oo qof.
Taa bedelkeeda, mas’uuliyiinta maamulka madaxweyne Biden ayaa isku dayay inay diiradda saaraan dadaalkooda ku aaddan horumarinta iskaashiga ay la yeeshan qaarada.
“Shirkani waa fursad lagu sii qoto dheereynayo iskaashiga dhinacayada badan leh ee aan ku leenahay qaaradda Afrika,” xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre ayaa tiri mar wax laga weydiiyay hooskii ay Shiinaha iyo Ruushka ku xireen shirarka.
“Waxaan diirada saari doonaa dadaalkeena aan ku xoojineyno iskaashi dhinacyo kala duwan oo ka kooban ganacsiyo ilaa caafimaad ilaa nabad iyo amni, laakiin diiraddayadu waxay noqon doontaa Afrika toddobaadka soo socda ayay raacisay Karine Jean-Pierre
Si taas loo gaaro, mas’uuliyiinta Aqalka Cad ayaa sheegay in “waxqabadyada waaweyn iyo hindisayaasha” – dibloomaasiyadeed ee ku hadla ogeysiisyada waaweyn – ayaa la dhigi doonaa inta lagu jiro shirarka-Aqalka Cad ayaa horudhac ahaan u sii sheegay iyadoo madaxweyne Biden uu u adeegsan doono isu imaatinka inuu ku dhawaaqo taageeradiisa ku biirinta Midowga Afrika in ay xubin joogto ah ka noqdaa kooxda G-20-ka .
Martiqaadyada madaxda African-ka ah ee ku shiraya caasimadaha adduunka ayaa noqday kuwo si joogto ah uga dhax muuqda jadwalka dublamaasiyada dunida.
Waxaa jira Shirka Faransiiska iyo Afrika oo ah mid sanadle ah tan iyo 1973-kii, Shirka Japan iyo Africa oo Tokiyo ay soo billowday 1993-kii, hadda waxaa ku soo biiray shirar la mid ah oo dhex mara Shiinaha iyo africa, Turkiga iyo Africa, Hindiya iyo Africa, Ruushka iyo africa waxaana suurtagal ah kuwa kale oo wadada ku soo jira in ay ka dhacaan caasimado kala duwan oo Midowga Yurub iyo wadamada khaliijka carabta ah
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa martigeliyay hogaamiyayaasha Afrika sanadii 2014, haatana Madaxweyne Joe Biden ayaa raacaya shirkii labaad ee hogaamiyayaasha Mareykanka iyo Afrika ee ka dhacaya Washington DC.