Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay wafdi ka socday Bangiga Adduunka

Wednesday ” 8 ” Sep” 2021″ Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu qaabiley madaxa Bangiga Adduunka Marwo Kristina Svensson oo ay wehelinayso Marwo Kaltuun Xasan oo ka mid ah masuuliyiinta sar-sare ee Bangiga Adduunka.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu uga xog-waramay qadiyada ay ku doonayaan madax-bannaanida Somaliland oo uu xusay in halkaan ku soo gaareen wada jirka xukuumadda iyo shacbiga Somaliland.

Kulankana ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee labada dhinac ee Somaliland iyo Bangiga Adduunka iyo sidii loo ballaarin lahaa, loona horumarin lahaa mashaariicda horumarineed ee bangiga adduunku ka wado gudaha Somaliland.

Dhinaca weftiganu waxay ballan qaadeen inay dar-dar gelin ku samayn doonaan,  sidii loo wada shaqaynlahaa, dedaal iyo juhdi badana ay gelin doonaan mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunku ka waddo Somaliland.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulankaasi ku wehelinaayey wasiirradda wasaaradaha, Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale,  Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Cumar Cali Cabdillaahi Bade iyo Mas’uuliyiin kale.

Leave a Reply