16″ December “2022”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo xalay khudbad u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa ku tilmaamay kooxda Al-shabaab inay yihiin kalluun biyaha ka baxay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay khudbad uu xaaladda dalka kaga壯陽藥 hadlay u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota kaddib safar uu ku tegay magaalada Minneapolis.
Madaxweynaha ayaa sharraxaad dheeraad ah ka bixiyay dagaalka ka dhanka ah ee Al-sbahaab ee ka socda Soomaaliya, kaasi oo deegaano badan looga saaray kooxda bilihii dhowaa.