M/weynayaasha Somalia Iyo Djibouti ayaa daah-furay xarunta Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga oo laga hirgeliyey Muqdisho

29″ December “2022” Muqdisho

Madaxweynayaasha Soomaaliya & Djibouti ayaa daah-furay xarunta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho. Dheeho.com

Iddacada Dalasan ee magaalada Muqdisho ayaa tabisay In Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga mahad-celiyey dhigiisa Djibouti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle hirgelinta Akadeemiye-goboleedka Af Soomaaliga si jiilasha soo socda loogu keydiyo dhaqanka iyo taariikhda umaddooda Soomaaliyeed, laguna sii horumariyo afkeenna.

“Af Soomaaligu waa xabagta isu haysa ummadda Soomaaliyeed. Waa diiwaanka keliya ee xanbaarsan dhaqanka, taariikhda iyo aqoonta dhaxalka ah ee facba faca kale u soo gudbinayay. Waa summadda iyo baadi-Sooc aan kaga duwannahay quruumaha kale ee caalamka ku nool” ayuu Yuri Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku adkeeyey hobolada iyo hal abuurka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan wacyigelinta bulshada iyo u iftiiminta dowladnimada, maadaama maanta la hayo saldhiggii hagi lahaa suugaanta, afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay faa’iidada ballaaran ee ugu jirta dhammaan dadka Soomaaliyeed hirgelinta akadeemi壯陽藥 ye-goboleedka Af Soomaaliga, waxa uuna tilmaamay dadaalka dowladdiisu ay ku bixisay dhismaheeda, maadaama ay xuddun u tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dadkeenna Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Aadam Barre Ducaale, Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya