Muxuu yahay dareenka degdegga ah ee dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka dhashay fatahaadda El Nino ?

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamud ayaa booqday daarta ay Soomaaliya ku leedahay COP28.

Daartan ayaa muujineysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay mustaqbal cagaaran, waxayna soo jeedinaysaa dareenka degdegga ah ee dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka dhashay fatahaadda El Nino ee sida daran u saameyay malaayiin qof oo Somali ah

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada (COP28) ayaa soo bandhigay saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee ku socda cimilada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in daadadka ka dhashay duufaanta El Nino ay ku dhinteen in kabadan 120 qof oo Soomaaliyeed, halka ay ku barakeen in ka badan hal malyan, kuwaas oo ay dowladdu la tacaalayso dhibaatada soo gaartay, arrinkaas oo yareeyey khasaaraha la filayey.

Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay sida tooska ah u saamaysay arrinta isbeddelka cimilada, waxaana tusaale u ah dadkeenna haatan la tacaalaya daadadka ka dhashay duufaanta El-nino waa kuwii kal hore ka soo gudbay abaartii ku habsatay dalka

Leave a Reply