Madaxweynaha Soomaaliya oo dhigiisa Shiinaha kula kulmay Sacuudi Carabiya

9″ December “2022”

Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya Shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Shiinaha Xi Jinping.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la wadaagay Madaxweyne Jinping xaaladda dalka Somalia , Abaaraha iyo la dagaalanka Argagixisada .

Madaxweynaha Shiinaha ayaa tilmaamay in dalkiisu ay mar waliba aaminsan yihiin midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Xi Jinping waxaa uu soo bandhigay sida ay ug犀利士 a go’antahay garab istaaga Jamhruuiyaddda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan gargaarka abaaraha, dagaalka ay dowladu kula jirto Al-shabaab, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta qorshaha deyn cafinta.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlaya xiriirka labada dal iyo sida Shiinuhu ay saaxiib dhow ula ahaayeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo fuliyey mashaariic dhaxal-gal ah oo ilaa maanta ay dheefsadaan shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply