Dhuusamareeb-13- Sept- 2023;
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “WAXA犀利士 AD KU JIRTAAN DAGAAL WAAFAQSAN MABAADII’DA SHAREECADA ISLAAMKA”
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay muhiimadda uu leeyahay dagaalka u dhexeeya ciidamada qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed ee lagula jiro Khawaarijta,Alshabaab ayaa hoosta ka xariiqay in uu yahay halgan gobonimo-doon ah oo waafaqsan mabda’a Shareecada Islaamka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Magaalada Dhuusamareeb kula halay qaybaha kala duwan ee saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku bogaadiyay dal jacaylka, dhabar adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada uu dagaalku socdo waxaana uu kula dardaarmay in ay dadaalkooda meeshiisa kasii wadaan ayna laba jibbaaraan gulufka ka dhanka ah Khawaarijta iyaga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed .
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo saraakiisha ku bogaadiyay dal jacaylka, dhabar adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada uu dagaalku socdo ayaa kula dardaarmay in ay dadaalkooda meeshiisa kasii wadaan ayna laba jibbaaraan gulufka ka dhanka ah Khawaarijta iyaga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed
“Waxaad ku jirtaan dagaal waafaqsan mabaadii’da Shareecada Islaamka loogana helayo ajar Alle agtiisa. Wadankaan wadadii uu ku gaari lahaa sharafta iyo karaamada umadaha kale leeyihiin ayaad naftiina u hureysaan, dowlada iyo shacabka Somaaliyeedna waa idin garab taaganyahay.”