Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan Bujumbura ayaa Orod kale oo muhiim ah u galay

15- November-2023

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan Bujumbura ayaa bilaabay In uu Orod kale oo muhiim ah u galo sidii Somalia ay Xubin uga noqon laheyd Dalada Bulshada Bariga Afrigka we EAC

Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo Arbacadii booqasho hal maalin ah ay uga bilaabatay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, ayaa soo dhaweyn diiran kala kulmay dhiggiisa dalkaas, Evariste Ndayishimiye.

Socdaalka madaxweynaha ayaa lagu sababeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoo Burundi ay ka mid tahay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiggiisa Burundi oo ku wareejinaya guddoo壯陽藥 miyaha dallada Bariga Afrika ee EAC Madaxweyne Salva Kiir Mayardit kala hadlaya sidii loo dardargelin lahaa dhameystirka qorshaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan ka mid noqoshada dalada ganacsi iyo Isdhexgalka bulshada bariga Africa

Tallaabadan ayaa u oggolaan doonta ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka howlgalaan dhammaan siddeedda waddan ee xubnaha ka ah, waxaana baasaboorka Soomaaliga lagu dari doonaa Midowga Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika, taas oo sahlaysa isu socodka aan kala go ‘lahayn ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gobolka.

Leave a Reply